Akhriso: Dowlada Jubaland oo taageertey go,aankii kasoo baxey dowlada Puntland ee ku aadanaa maamul usameynta Gobolada dhexe

21 jun 2015 (Puntlandes) Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya ayaa taageertey go,aankii kasoo baxey dowlada Puntland ee ku aadanaa maamul usameynta gobolada dhexe ayada Hoos ka akhri

Taageerid Mowqifka Dowladda Puntland ee Arrimaha Gobolada Dhexe iyo Federalismka

  • Maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba, waxaa ay si dhow oo gaar ah u eegeysaa arrimaha ku saabsan maamul u sameynta gobolada dhexe, Federalismka iyo Ku xadgudubka aan xadka laheyn ee dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Sida aad la socotaan waxaa ay marar badan maamulka Ku meel gaarka ah ee Jubba cod dheer Ku sheegeen in sameynta maamulada cusub loo maro hab dastuuri ah oo waafaqsan dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, iyo in wax walba oo la sameynayo aysan noqon mid wax u dhimeysa degenaanshaha siyaasadeed iyo midda amniga ee dowladaha xubnaha ka ah dowlad Federaalka ah ee Soomaaliya.
  • Maamulka Ku meel gaarka ah ee Jubba waxaa ay ugu baaqeysaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay habboon tahay in ay tixgelin dheeraad ah siiso dhawaaqyada nabadeed ee ka soo yeeraya dowladda Puntland, kaasoo maamulka Ku meel gaarka ah ee Jubba u aragto mid adkeynaya xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah iyo in ay sameyso taxaddar dheeraad ah into aysan talo faraha ka bixin.
  • Maamulka ku meel gaarka ah Jubba waxaa uu ka digayaa in aan lagu deg- dego wax dhibaato iyo shiddo hor leh ka dhex abuuri kara umadda Soomaaliyeed ee wada dega gobolada dhexe, iyo in maamul kasta oo la sameynayo lagu saleeyo shuruucda dalka u yaal. Haddii la raaci waayo shuruucda dalka waxaa ay taasi horseedi kartaa bur-bur hor leh oo ku yimaada geeddi socodka federaalismka, sidaa owgeed, maamulka Jubba ee ku meel gaarka ah, waxaa ay si hagar la’aan ah u taageereysaa mowqifka ay qaadatay dowladda Puntland ee ku saabsan maamul u sameynta gobolada dhexe iyo habka federaalisimka oo aad mooddo in la marin habaabinayo.

—————————————DHAMMAD———————————

Abdinasser Seeraar,
Jubbaland Spokesman

151a

 

Puntlandes.com

About The Author