Akhriso-Faalo: Maxaad kala socotaa Qodobka 4aad ee Dastuurka PL oo ay Puntland ku hanjabtay inay ku dhaqmidoonto haddii …

67

22 jun 2015 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa 20 kii jun 2015 soo saartay warsaxaafadeed ay ku muujinayso mowqifkeeda ugu dambeeya ee ku saabsan shirka Cadaado ee ay garwadeenka ka tahay DFS. Waxay kaloo Puntland ka digtay colaad ka curata degaanadaas haddii lagu sii socdo dariiqa hadda ku socdo DFS.

Ugu dambaytii waxay Dawladda Puntland Warsaxaafadeedkaas ku hanjabtay inay u banaanaanayso in ay dib u eegto qodobka 4aad farqadiisa 1, 2, 3 ee Dastuurka Puntland, halkan ka akhriso isagoo dhamaystiran ama hoos ka eeg.

152b

 

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay usoo bandhigaysaa akhristayaasheeda Qodobka 4aad ee dastuurka dawladda Puntland iyo waxa uu qorayo. Sidaad sawirka hoose ka aragtaan Qodobka 4aad farqadiisa 1aad waxay ka hadlaysaa inay Puntland ka tahay qayb Soomaaliya, xilna ka saaran yahay hirgelinta dawlad Soomaaliyeed oo federaali ah. Qodobka 4aad farqadiisa 2aad waxay ka hadlaysaa inay Puntland awooda ay ku wareejinaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku imaanayo wadahadal. Qodobka 4aad farqadiisa 3aad waxay ka hadlaysaa inay Puntland lahaanayso awood dawlad madaxbanaan inta laga dhamaystirayo Dastuur Federaal ah oo ay Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey.

Farqada 4aad iyo xarafaheeda b iyo t ayaa waxau u qoran yihiin sidatan, waana tan ay dawladda Puntland ku soo qaadatan warsaxaafaeedkeeda, Dawlada Puntland u banaanaanayso in ay dib u eegto arrimaha ku xusan farqada 1, 2, 3 ee isla qodobka 4aad, haddii:

b) Soomaalidu ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hoosaen nidaamka Federaaliga ah

t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.

 

152

 

Waxaa cad in la joogo xiligii la isticmaali lahaa Qodobka 4aad farqadiisa 4aad iyo xarfaha b iyo t ee DASTUURKA DAWLADDA PUNTLAND. Waxaa  waajib dastuuri ah ku ah dawladda iminka talada haysa iyadoo eegaysa Farqada 4aad xarfaha b iyo t  inay go’aan cad ka gaarto Xamar iyo murankeeda aan dhamaanyn.

Xarafka b) Faederaalkii waa la marin habaabiyey lagana weeciyey wadadii ummaddu ku heshiisay mana muuqato Faderaalayn sax ah oo ay wado DFS.

Xarafka b) Daganaansho la’aanta Soomaaliya way daba dheeraatay hadaana Qoriga la isku cabaysanayaa oo dad iyo dawlad dhuud la doonayaa in la BOOBO!

Ma jirto wax laga sugaa nimanka Xamar ka Murmaya oo aan rabin in Soomaaliya ay dawladnimadeedii soo ceshato. Ma waxaynu shaqo ka dhiganaa MURAN iyo DAGAAL oo aynu ku soo jirnay 25 kii sano ee la soo dhaafay? jawaabtu waa maya, maya.

Puntlandes.com

About The Author