Dhegeyso-Akhriso: Oday Xaad iyo Wasiir Odowaa ”Xadka maamulka Gobalada Dhexe waa Nugaal”

151f

22 jun 2015 (Puntlandes) Oday Xaad oo ka mid ah odoyaasha Beelaha Hawiye, oo saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu ka hadlay Xuduudda uu maamulka Cadaado ay DFS ka dhisayso uu yeelanayo isagoo sheegay in maamulka loo dhisayo labada gobolka ee Mudug iyo Galgaduud oo buuxa aysana ka maqnayn waqooyiga, Bariga iyo galbeedka Mudug ee uu ka kooban yahay Mudug oo buuxda iyo galgaduud.

Oday Xaad ayaa mar la waydiiyey sida ay isku qabanayaan in dadkii degenaa degaanada Puntland aysan shirka ka qayb galayn talana ku lahayn iyo in la yiraahdo Xudduudda maamulkaasi waa Gobolka Nugaal ayuu ku jawaabay madaxweynaha la dooranayo ayaan u daynay inuu wadahadal la galo dadkaas haddii aanu anagu galno waxaan is tusnay inay naga hortimaado carqalad aanu ka gudbiwayno, isagoo taas ula jeeda sharuudihii ku yaalay Dastuurkay laadeen isaga iyo tolkii.

Hoos ka dhegeyso Oday Xaad oo ku doodaya dhul aysan isaga iyo abkii lahayn!!


Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Cabdiraxmaan Odowaa oo xasan Culusoow u xilsaaray shirka Cadaado inuu daadihiyo kuna qarash gareeyo lacagtii ummadda Soomaaliyeed loogu soo dhiibay isagoo doonaya inuu dagaal ka dhex abuuro ayaa wuxuu barta uu ku leeyahay facebook ga soo dhigay qoraal uu ku dhawaaqayo dagaal cad isagoo yiri Xuduudda waqooyi ee maamulka Cadaado waa Gobolka Nugaal cid diidi kartana ma jirto!!! Wuxuuna u qornaa qoraalku sidatan:

152c

 

Dawladii dhamayd ee Soomaaliyi wada dhisatay waxay gacanta u gashay Koox qaswadayaal ah oo aan marna doonayn in Soomaaliyi dawladnimo hesho, Kooxdana waxaa madax u ah Xasan Sheekh, Oday Xaad, CadiQaybdiid…..

Waxaa la gaaray xiligii ay dawlada Puntland isticmaali lahayn qodobka 4aad farqadiisa 4aad xarfaha b iyo t ee Dastuurka Dawladda Puntland, waana in ay dawlada go’aan qaadataa. Dawlad Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadaa mas’uuliyada qaadaysa waxa socda iyadaa xiligii ku haboonaa go’aan ka qaadan wayday waa inay saxdaa iminka qaladaadkeedii hore.

Puntlandes.com

About The Author