Dhagayso: Dhaleecaynta PL, JL iyo KG iyo abaanta Cadaado, Jiibta VOA, Goodax Barre, Beegos, iyo ENG. Yeriisow ee ku aadan 26 Juun?
27 jun 2015 Puntlandes) Shalay oo ku beegneyd 26 Juun oo ah xilligii ugu horeysay ee calan soomaaliyeed laga suro ciid soomaaliyeed, ayey laanta afka soomaaliga ee VOA waxay qabatay dood ku saabsan arinkaas.
Sida caadada u ah, laanta afka soomaaliga ee VOA waxay doodeeda ku martiqaadayDAD HAL DHINAC AH,, waxaana barnaamijka lagu martiqaaday wasiiru dowlaha warfaafinta Maxamuud C/llaahi Beegos, EGN.Yariisow, iyo C/llaahi Goodax Barre.
Barnaamijka oo markii horeba agaasinkiisa laga fahmi karay ujeeda laga lahaa, ayaa si cad u baalmaray cinwaanka loo sameeyay oo ahaa in looga hadlayo 26 Juun, iyo xorriyadii soomaaliya, waxuuna isugu biyo shubtay jihadii loo qorsheeyay.
Waxaa si aad ah loo dhaleeceeyay Puntland, Jubaland iyo Konfur Galbeed iyagoo ku amaanay Galmudug
1-Waxaa marka hore barnaamijka lagu dhaleeceeyay dowladihii rayidka ahaa ee dalka soo xumay Xoriyadda ka dib, oo la yiri, cadaalad darradi ay sameeyeen ayaa dhalisay burka soomaalia, hadalkaas waxaa yiri wasiiru dowle Leegoos.
2- Waxaa si guud loogu dhaleceeyay Dowladaha deriska ah, oo loola jeedo Itoobiya iyo Kenya, oo lagu eedeeyay in ay faragelin ba’an ku hayaan dalka Soomaaliya.
3- Waxaa si gaar ah loo dhaleeceeyay, dowladda Itoobiya, Puntland, Koonfurgalbeed, iyo Jubbaland, iyada oo barnaamijka si aad ah loogu amaanay maamulka Galmudug. Dhammaan maamulada ka jira dalka ayaa lagu tilmaamay sharcidarro, marka laga reebo maamulka hadda loo fadhiyo Cadaado ee Galmudug, oo la shegay in uu yahay, maamulka Keliya ee cadaalad iyo Soomaalinimo ku dhisan, islamarkaana ay dhisatay Soomaali, loona baahan yahay in maamulada kale ay ku deydaan.
4- Barnaamijkan oo aad mooday in si gaar ah loogu sii faquuqay maamullada Jubbaland iyo Koonfurgalbeed, ayey doodayaasha sheegeen, in ay waajibtahay in dib loogu noqdo, dibna loo saxo.
5- Waxaa barnaamijka si guud loogu dhaleeceeyay, booqashiiyinka madaxda Soomaalida ee dalka Itoobiya, siiba booqashada hadda ay ku joogaan madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan.
6- Waxaa si guud barnaamijka lagu dhaleceeyay Nidaamka guud ee federaaleynta dalka Soomaaliya, oo lagu tilmaamay, mid dalka lagu kala googooynayo.
7- Waxaa sidoo kale barnaamijka lagu dhaliilay Urur goboleedka Igaad.
8- Guud ahaan waxaa barnaamijka lagu muujiyay riyo ah, in wax loogu yeeray “gobolka NFD iyo Soomaligalbeed oo loola jeedo DDSI, dib loo soo celin doono mustaqbalka, iyada oo la daliishanayo wareysi hadda ka hor BBC la yeelatay nin lagu magacaabo DEEQOOW, oo la sheegay in uu ka tirsanaa dhaq-dhaqaaqii Kenya lagu diidanaa ee lixdamaadkii ka socday gobolka Waqooyi bari Kenya.
9- Waxaa barnaamijkan si gaar ah baaq loogu dhiiri gobolada Gedo iyo Shabeelada hoose, oo loogu dhiiri geliyay in ay ka fallaagoobaan maamullada ay ka tirsan yihiin, ee Jubbaland iyo Koonfurgalbeed, iyada oo loo ishaaray in ay hoos yimaadaan Muqdisho. Waxaana loo farfiiqay in dastuurka sidaas xaq u siinayo.
Isku soo xooriyoo, barnaamijkan oo cinwaankiisu aha xorriyadii lixdan kii, islamarkaana loo baahnaa in looga hadlo wax umadda anfacaya, ayaa ku soo gabagaboobay xagxagasho iyo dhaleeceyn loo jeediyay umad soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa meel looga dhacay abaalkii ay soomaalida ku lahaayeen dalalka deriska, Ururka IGAD iyo guud ahaan beesha caalamka. Sidoo kale, 26 Juun oo ah maalinkii Hargeysa laga taagay calanka Soomaaliya, waxay ahayd in barnaamijka lagu martiqaado dad ka soo jeeda gobolada waqooyi.
Waxaa kaloo loo baahnaa, in dadka lagu martiqaadayo barnaamijka 26 juun ay noqdaan dad u qalma, da’aahaan, aqoon ahaan iyo Khibrad iyo waaya aragnimo ahaan in taba, islamarkaana ka taariikheyn kara dhacdooyinkii xilligaas dhacay.
Ka qeyb galka barnaamijkan uu ka qeyb galay wasiiru dowlaha warfaafinta DFS, iyo weliba in uu ka qeybqaatay dhaleeceeynta baahsan ee loo jeediyay qaaar ka mid ah deegaanada dalka, iyo weliba dowladaha deriska ah , waa arin xiisa gaar ah leh.
Halkkan ka dhageyso barnaamikja oo aan idiin soo koobnay.
Xigasho: dhanaanmedia
Puntlandes.com