Dhagayso: Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Galmudug ”Xudduudda maamulkayagu waa Nugaal”

156g

27 jun.2015  (Puntlandes) Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka uu maanta uu doortay Baarlamaanka maamulka ay hagayso DFS ee Cadaado uu dhismihiisu ka socdo Cali Gacal Casir oo ay waraysatay idaacada VOA ayaa sheegay inay Xudduudda maamulkaas ay tahay Gobolka Nugaal uuna iyaga hoos yimaado Gobolka Mudug oo dhan.

Gudoomiye Gacal ayaa isagoo sharaxaya waxa uu yiri ”Dastuurka Galmudug waxa uu sheegayo ayaanu ku dhaqmaynaa dad badan baana ansixiyey Dastuurku wuxuu sheegayaa in Xudduuddu tahay Gobolka Nugaal”

Dadka reer Puntland waxaa mudan inay ogaadaan in madaxweynihii ay doorteen Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu dayacay dhulkoodii uuna hada madaxweyne ka yahay sida uu madaxweynaha Villa wardhiigleey wado labada Gobol ee kala ah Nugaal iyo Bari intii kalena uu Xasan ka jaray Puntland.

Xasan Sheekh waxa uu si cad u sheegay inuu ka shaqaynayo Somaliland oo mid ah oo ah tii Ingiisku gumaysan jiray inay la midowdo Koonfyrta uuna xalinayo dadka wax ka tabanaya Somaliland, halkan ka dhagayso.

Madaxweyne Gaas wali waxa uu ku hayaa dawlad Soomaaliyeed miyaan isku taagi karaa? Ma dawladaan soo dhisay baan burburin karaa? Waxay isaga la tahay inuu soo dhisay CAJIIB.

Dhagayso Gudoomiya Maamulka DFS ay dhistay


Puntlandes.com

About The Author