Madaxweyne Muuse Biixi wareegtooyin Madaxweyne ku dhaqan-geliyey labada xeer Doorashooyinka Somaliland
09 Mars 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegtooyin Madaxweyne ku dhaqan-geliyey labada xeer Doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo kala ah:
1-Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023.
2-Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023.
Doorashooyinka Somaliland ayaa u mudaysay 13ka november 2024ka, iyadoo madaxweyne 5 sano la doortay 2 sano oo uu ku darsadayna ay gabogabo marayso.
Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ayaa madaxweynaha ku qasbay inuu aqbalo laakiin dadka siyaasadda falanqeeya waxay sheegayaan inay wali lugi u laaban tahay Muuse.