Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo DFS oo maanta Garowe ka dhici doona

158

28 jun 2015 (Puntlandes)  Waxaa Maanta lagu wadaa in Caasimada Puntland ee Garoowe uu ka dhaco Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo DFS, waxaana banaanbaxaan soo qabqaabiyay Mamulka dowlada hoose ee magalada Garowe.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana laga dareemayaa Garowe Dibadbaxan qabanqabadiisii ugu dambaysay-

Dadwaynaha ayaa waxay banaanbaxaan ku muujin doonaan sida ay uga soo horjeedaan Wadadii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay inay ka weecatay DFS ayna jabisay Dastuurkii.

Dawladda Putland ayaa horay uga digtay ku xadgudubka Datsuurka Dalka, waxaana muuqan talaabo ay DFS arinkaas wax uga qabanayso.

Banaanbaxaan ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxmauud Xasan Soocade uu sheegay inaysan Puntland aqoonsan doonin maamul kasta oo laga dhisayo Cadaado ilaa lagu saleeyo sida uu qabo Dastuurka dalka iyo inay ka FIIRSAN DOONTO PUNTLAND KA MID AHAANSHAHA DFS.

Kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author