Muuqaal: Farmaajo oo sheegay in Puntland oo maqan dastuur kasta oo laysku dayo in wax laga bedelo ay tahay waxba ka jiraan

13 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Max’ed Farmaajo oo ka hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in Puntland oo maqan dastuur kasta oo laysku dayo in wax laga bedelo ay tahay waxba ka jiraan, ayna dawladda Faderaalka jabinayso qodobada Dastuurka KMG ah, gaar ahaana qodobada  50aad, 51aad, 52-53aad oo qeexaya wada shaqeynta DF iyo DG.

Farmaajo ayaa sheegay in haddii lagu socdo Oraahda ah loo joojin maayo, ay ka imaanayaan ficilo waa weyn oo dhaawacaysa midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, waxa ka imaanaya ay masuuliyadeeda qaadi doonaan Xildhibaanada, guddoonka golaha baarlamaanka & Madaxweynaha Qaranka, oo kala tag bulsho ka shaqeynaya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in aan Soomaaliya loo horseedin in ay kala tagto, Caalamkuna ka quusto ama gacmaha lasoo galaan dhacdooyinkan, Dawladnimada ayuu sheegay in ay u baahan tahay Isku heyn bulsho & isku Tanaasul.

About The Author