Sawirro: Wasiirada cusub ee wasaaradaha Qorsheynta, Deegaanka, Haweenka iyo Beeraha.oo xilka lawareegay

13 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ku guda jira xil u kala wareejinta Golaha Wasiirada, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadaha xilka Kula wareegayeen Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Qorsheynta, Deegaanka, Haweenka iyo Beeraha.

Wasiirada cusub iyo Kuwii hore ee maanta uu xilka u kala wareejiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa kala ah :-

* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Daa’uud Maxamed Cumar iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Maxamed Siciid Faroole, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Axmed Yuusuf Labayk, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdiqaadir Saalax iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Mudane Axmed Shire, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

* Wasiirka cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Maryan Axmed Cali iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi, Marwo Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dowleyaasha cusub iyo Kuwii hore.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay dhammaan Wasaaradahan iyo shaqooyinkii ay qabteen, wuxuuna Wasiirada cusub u rajeeyay in ay hore ugasii wadaan halkaasi loogu dhiibay shaqooyinka aasaasiga ah ee Dowladnimo iyo u adeegida dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

About The Author