Sawirro: Wasiirka cusub ee wasaaradaha Waxbarashada dawladda Puntland oo xilka la wareegay
13 Mars 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ku guda jira xil u kala wareejinta Golaha Wasiirada, ayaa ka qeybgalay munaasabadaha uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Mudane Fu’aad Abshir Adeer.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay Wasaaradaan iyo shaqooyinkii ay qabtay, wuxuuna Wasiirka cusub u rajeeyay inuu horay ugasii wado halkaasi loogu dhiibay shaqooyinka aasaasiga ah ee Dowladnimo iyo u adeegida dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.