Muuqaal: Cali jeyte “Rasaastii dowlada ee Alshababa lagula dagaalami lahaa ayaa lagu dagaalamayaa”
14 Mars 2024 (Puntlandes.com) Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka saaray maamulkii HirShabeelle shacab taageersan Maamulka Hiiraan State.
Magaaalada ayaa waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac inta aysan shacabku la wareegin.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali jeyte oo saxaafadda kula hadlay Nuqdisho ayaa si adag u eedeeyey maamulka HirShabeelle.
Cali jeyte oo ku eedeeyey in shacabka lagula dagaalamayo hub culus iyo Rasaastii DFS ee loogu talogalay dagaalka Alshabaab ayaa yiri “Rasaastii dowlada ayaa lagu dagaalamayaa”