Faallo: Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland ee Madaxweyne Deni magacaabay

17 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland. isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha.

Guddigga wasaaradahooda iyo gobolka ay kasoo jeedaan:

1-Wasaaradda Maaliyada Maxamed Faarax Maxamuud wuxuu ka soo jeedaa gobolka Mudug waana gudoomiya guddiga.

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf-Dhuux, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Mudug waana xubin.

3-Wasaaradda Dekedaha Shaakir Maxamed Guuleed, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool waana xubin.
4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Shire Siciid, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Bari waana xubin.

5-Wasiir hore Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Mudug waana xubin.

6-Wasiir hore Macdanta iyo Biyaha Dr. Carshe Maxamed Siciid, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Bari waana xubin.

Guddigaan uu madaxweynuhu magacaabay ayaan waxaan ku jirin wasiirka wasaarad muhiim ah oo wax-soosaar taas oo ah Wasaaradda Kaluumaysiga oo uu wasiir ka yahay Cabdirisaaq Cabdullahi Xagaa oo ka soo jeedaa gobolka Bari.

Sidoo kale guddiga kama dhex muuqdo wasiirka Wasaaradda Beeraha oo uu wasiir ka yahay  Maxamed Cabdiqaadir Saalaxoo ka soo jeedaa gobolka Sanaag, inkastoo aysan Ganacsi gaarin Beeraha Puntland.

Guddiga ayuu madaxweynuhu u xilsaaray:

1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.

2. Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.

3. Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.

Shaqada guddigaan ayaa ah mid ay Puntland iminka baahi xoogan u qabtay, kuwaas oo la filyo inay  aragti iyo Dhiig cusub oo la xiriirta dardargelinta Ganacisga Puntland ku soo kordhin doonaan.

Guddiga ayaa waxaa uu amray madaxweynuhu in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

About The Author