Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Madaxda iyo Wakiillada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland
17 Mars 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa kulan la qaatay Madaxda iyo Wakiillada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hay’adaha Qaramada Midoobey, Qorshaha 5-ta sano ee Dowladda oo qeyb ka tahay siyaasadda horumarinta Puntland, isagoo usoo jeediyay in loo baahanyahay iswaafijinta qorshaha Dowladda iyo Mashaariicda ay Hay’aduhu Dalka ka fullinayaan.