Dhagayso-Sawiro: Puntland oo Nichalos Kay ku eedaysay inuu ku fashilmay wakiil-nimaddii Soomaaliya

28 jun 2015 (Puntlandes)  Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise Axmed oo maanta ka hadlay banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday DFS oo lagu qabtay Garowe ayaa wakiilka QM ee Soomaaliya Danjire Nichalos Kay ku eedeeyay inuu ku fashilmay siyaasadda Soomaaliya, sidaasi darteedna ay muhiim tahay inuu dalka isaga baxo.

”Waxaan beesha caalamka u sheegaynaa, waxaanu la yaaban nahay Nichalos Kay oo ah wakiilka QM ee Soomaaliya inuu ku biiray koox dan leh oo Soomaalinimada ku shaqaysta oo dan gaar ah ku gaara, aad baan uga xun nahay, Kay farriin baan u diraynaa waxaanu lee nahay wixii aad gashay ka toobad keen oo dib uga laabo”. Isagoo sii hadlaya Cabdilaahi Ciise Axmed ayuu sheegay  inuusan Nichalos Kay matalin shacabka Soomaaliyeed ee Puntland isla markasna uu ku fashilmay wakiilnimadiisa Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay mamulka laga dhisayo Cadaado inuu yahay mid xaaraan ah oo aan runta ku salaynayn isla markasna dad dano gaar ah wata ay dabada ka riixayaan ayna ka xun yihiin in la afduubo shacabka gobaladda dhexe.

Gudoomiyahan ayaa sheegay waxa gobaladda dhexe laga wadaa inay tahay dagaal sokeeyo oo cusub ”Waxaan u arkaynaa arrintani inay tahay dagaal sokeeyo oo cusub oo hadda la bilaabay, anagu Soomaalida walaalaheena dagaalkooda ma rabro oo dhiigooda ma rabno laakiin haddii nalaku kalifo diyaar baanu u nahay”.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise Axmed ayaa sheegay inay taageer san yihiin waxa kasoo baxa mamulka laga dhisayo magalada Dhuusamareeb, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay shir lagu saleeyay aragtida shacabka iyo in la helo mamul gobaladda dhexe ka taliya oo daacad ah.

Dhagayso Gudoomiyaha


160

160a

160b

160c

160d

160e

160f

160g

160h

160i

160j

160k

160l

160m

160n

160o

160p

160r
Puntlandes.com

About The Author