Xasan Shiikh muxuu ka bartay Jacfar Numeyri-gii Suudaan?
Jacfar Muxammed al-Mumeyri, waxa uu inqilaab Mileteri ku qabsadey dalka Suudaan wax yar ka hor Kacaanki Soomaaliya 1969.
Bilowgii xukunkiisa waxa uu ahaa Raysalwasaare isaga iyo saraakiil kale ayaana dalka ka talinaayey, waxaana ay xilka ka tuureen Dowladdii rayidka ahayd ee uu hoggaaminaayey Ismaaciil al-Azhari, Inqilaabkooda waxaa loogu magacdarey “Kacdoonkii Maajo”, maadaama bisha inqilaabku dhacay ay ahayd Maajo.
Jacfar Numeyri wax badan ayuu dalkiisa u qabtey markii Madaxweyne loogu doortey afti dadweyne sanadkii 1971, waxa uu wax ka beddaley wax soosaarka beeraha oo dadka Suudaan aad ugu fiicnaayeen, waxa uu dalka keeney shirkado shidaal sida Chevron, Bangityada ayuu ka dhigey kuwo gaar loo lee yahay, waxaana dalkiisa ku soo batey ajaanibta maalgashiga doonayey, waxa uu soo afjarey dagaalkii sokeeye ee socdey muddo 17 sano ah, Masiixiyiinta Koonfurta heshiis ayuu la galay waxaana uu siiyey is-maamul awood leh (Autonomy).
Inkasta oo qoraalkani aanu ku socon Taariikhda Madaxweyinhii Suudaan 1969 – 1985 Jacfar Numeyri ayey muhim tahay in wax laga xuso qofka uu ahaa. Madaxweyne Jacfar oo nidaamkiisu ahaa Shuuciyad, waxaa hafiyey Kacdoon Islaami ah, waxaa dalka dib loogu soo celiyey Xasan al-Thuraabi oo dibadda loo tarxiiley, waxaana laga dhigey Wasiir. Jacfar Numeyri waxa u muuqatey in aanu sinaba uga badbaadeyn Kacaankan Islaamiga ah waxaa uu go’aanku gaarey in Suudaan Shareecada Islaamka lagu xukumo, Waxaa la sheegaa in danta uu kalahaa ay ahayd in uu Shareecada Islaamka iyo dadka Suudaan la isku diro, halkaasna ku bakhtiiyo Kacdoonkii Islaamiga ahaa.
Sanadkii 1983 ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqey qaadashada Shareecada Islaamka.
Muddadii uu ku dhawaaqey in Suudaan lagu dhaqaayo Shareecada Islaamka, waxaa xukunka Sinada (Dhileysi) ee Jeedalka iyo dhagaxa ah lagu fuliyey dad ka badan 1500 oo qof, Dadkii xiligaa joogey waxay sheegaan in dadka qaarkiis jeedalka loola dhacay taabasho, eegmo iyo wax lamid ah!, waxaa Gacmaha laga gooyey dad badan oo aan waxba galabsan ama baahi iyo dhibaato haysey, Waxaa cafis loo fidiyey Maxaabiis iyo denbiilayaal ka badan 13 000 kun oo qof. Ugu danbeyntiina waxa uu ka baxay heshiiskii uu la galay Koonfurta Suudaan Masiixiyiinta degan, isla markaana ku kahsbey iyagana in shareecada lagu dhaqaayo.
Arrimahan waxay keeneen in dib loo laabo xukunkii shareecada Islaamka, dad badan ay dariiqyada isugu soo baxeen iyaga oo dalbanaya in la joojiyo, Xisbiga Shuuciga ahaa waxaa u hirgalay wixii ay doonayeen.
Xasan Shiikh muxuu ka bartey Jacfar Numeyri?
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud waa nin ka duwan Jacfar Numeyri meelo badan, ma ahan askeri, inqilaab kuma imaan ee doorasho Baarlamaani ah ayuu ku yimid, waa nin jecel qawaaniinta Islaamiga iyo qiyamkiisa isla markaana la sheego in uu lee yahay afkaar Islaami ah. Marka aan dhankaas ka eegno si weyn ayuu uga duwan yahay waxaanse si kooban u dhihi karnaa waxbuu ka bartey Jacfar:
Qorshaha Soomaalida looga horkeenayo barnaamijka FEDERAALKA.
In Soomaaliya Federaal qaadato waxa uu ka soo bilowdey Shirkii Masar 1997, kaas oo la doonaayey in Dowlad Soomaaliya loo dhiso taas oo Cali Mahdi Madaxweyne ka yahay Xuseen Caydiid Faarax uu ka yahay Raysalwasaare!, taas oo ay ku qanacsanaayeen labadooduba, Soomaalina u cadaatey damacan waalan ee webiyada dhiigga ah loo soo daadiyey.
Federaalka Soomaaliya waxaa Hooyo iyo Aabe u wada noqdey Puntland maadaama la dhisey 1998 oo Soomaaliya wax maamul ah ka jirin marka laga yimaado Somaliland oo iyadu taagneyd Dowlad Madaxbanaan ayaan nahay, markaasna ka soo dabaalatey dagaal sokeeye.
Bulshada ku dhaqan Koonfurta ama taageeri jirey Jamhaddii USC, waxay aaminsan yihiin in ay Hoggaamiyaan Dowlad Dhexe oo dalka oo dhan maamusha taasna ay tahay wixii loo soo dagaalamey, Caasimadda dalka laga wada xukumo.
Cabdiqaasim Salaad Xasan, si weyn ayuu ula dagaalamey nidaamka Federaalka, markii uu hoggaaminaayey TNG, Waxaana abaalkiisu noqdey in Puntland la dagaalanto lagu duldhiso golihii SRRC, maamulkiisuna dhaafi waayo xaafadda HODAN, jidka fookha hoos mara. Shiikh Shariif wuxuu si cad u shegay in aanu aaminsaney in uu xal yahay, wuxuu ku tilmaamey nidaam aan Soomaali ku habbooneyn, laakiin maadaama Dastuurku sidaas dhigaayo waan ku shaqeyneynaa ayuu yiri.
Xasan Shiikh Maxamuud bilowgii xukunkiisa ee Maraykanku ictiraafey waxa uu si weyn ugu hadal dhawaa Cabdiqaasim Salaad Xasan, waaba uu ka dheereynayey, waana caddeeyey in uu ka soo horjeedo nidaamkan.
Xasan Shiikh oo in badan oo la-taliyaashiisa ah ay ka soo biyo cabeen ceelka Suudaan, ayaa hadda u muuqda in uu si toos ah u qaadey Wadadii Jacfar al-Numeyri, dadkana uu doonaayo innuu ku diro nidaamka Fedeaalka, u tuso mid khilaaf aan laga dhamaaneyn, dhulka la isku qabsanayo, qabiil salka la gelaya ugu danbena dagaalo dalka ka hurin kara.
Madaxweyne Xasan Shiikh qofka si fiican u dhuuxa khudbadisi 26 June waxa uu si weyn u barakanaynyaa in nidaamka Confederation la isugu yimaado, sida Gobolada Waqooyi iyo Gobolada Koonfureed, marka uu ka takhaluso nidaamka Federaalka ah ee dalku qaatey.
Xasan iyo Gobolka Mudug
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud si fiican ayuu u garanayaa Gobolka Mudug, gaar ahaan xasaradda iyo nabadda marka laga hadlaayo, waxa uu muddo la shqeynaayey hay’adda CRD, oo u dhiganta PDRC iyo Akadeemiyadda Somaliland, kuwaas oo ay taageerto hay’adda Inter Peace. Madaxweynuhu wuxuu garanayaa qaabka loo degan yahay, wixii Mudug ka dhacay, qaabka dib loogu wada degay ee la isu ixtiraamey in ka badan 20 sano.
Waa run Mudug waa hal gobol weeye, Beelaha degan oo colaad hore soo martey waxay ku heshiiyeen in ay nabad kuwada joogaan, laakiin maamul iskuma darsan, Puntland oo dhisantey 1998 kuma xad-gudbin dadkaas, dhulkoodana uguma tegin, maamul yar ayey dhisteen oo xaafad Gaalkacyo ah ku taala, kuma xadgudbin mar kale, Axdigii Puntland lagu dhisey waa lagu xitiraamey oo dhulkooda lama sheegan.
Xasan Shiikh oo inta aan soo sheegney Mudug ka og miyuu Puntland kala tashadey maamul u samayenta uu wado ee fawdada ku dhisan?, dadka Mudug deggan oo iyagu ahba hoggaamiyaasha Puntland, Madaxweynihii u horeeyey iyo Madaxweynaha hadda xilka hayaba ay ka soo jeedaan sidee ayuu ugu dhiiradey in uu aamuska ku meheriyo, isaga oo og in uu saddex Heshiis la galay intaba ka baxay!, weliba caalamku markhaanti ka yahay!
Baroortu orgiga ka weyn
Dadka degan gobolada dhexe xaq ayey u leeyihiin in ay maamul samaystaan, waana mid lagu taageerayo, laakiin bal ka warama Wiilkoodi oo aan dhalan haddii uu doonaayo in uu xoogo mid qaangaara, waa ayaan darro.
Maamulka Xasan Shiikh Cadaado ka sameynaayo in la yiraahdo xuduudiisu waa NUGAAL waxa looga danleeyahay waa Puntland in jaahwareer la geliyo umadda Soomaaliyeed oo lagu diro FEDERAALKA.
Nidaamka Damul-jadiid ay qaadeen ee ay dadka sida xun ugu tusayaan nidaamka federaalku waxa uu lee yahay cawaaqib xun, taas oo sii kala fogeyneysa dadka Soomaaliyeed, waxayna kalifeysaa in qof kastaa aayihiisa ka tashado.
Qofkasdta oo Soomaali ah waa jecel yahay Soomaaliya oo mid ah awood leh, caanaha wada cabbeysa, kheyraadka wada wadaagta, mamulka la baahiyo oo aan caasimad lagu soo koobin, laakiin mudadii Xasan Shiikh joogey miyaa laga arkey, wax Soomaali u muujinaya in caanaha lawada wadaago, Diblomaasiyintii oo dhan, Saraakiishii ciidanka, Tababarada, Deeqaha Waxbarasho, Dib u duiska dalka, maxaa Soomaali oo dhan ka aragtey oo lala wadaagey, waa iyada meelkasta qeyladu ka yeeraysee.
Jacfar Numeyri haddii uu dadka Suudaan Sideetamaadkii ku direy Shareecada islaamka, Xasana doonayo maantey in uu dadka Soomaaliyeed nidaamka Federaalka ku diro waa ayaan darro iyo in Soomaali halkaas taagnaato.
Horseed Media 2015