Catriona Laing oo banaynasaa xilka Ergayga Ergeyga Gaarka ah ee uqaabilsan arrimaha Soomaaliya Xoghayaha Guud ee UN
22 Apr 2024 (Puntlandes.com) Ergayga Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa waxay banaynasaa xilkaas bisha soo socota ee Maajo 2024.
Sababaha ka dambeeya ma cadda, Is badalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed oo la xiriira wax ka bedelka dhawaan lagu sameeyay dastuurka KMG ah, kaasoo Puntland ay diiday inay aqoonsato. Sidoo kale, Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran uu baaqday sababo farsamo awgeed, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Hoos ka akhriso qoraal lagu shaaciyey Bogga UNSOM:
22 Apr2024: Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa dhamaysatay waajibaadkeeda xileed
Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bisha Maajo.
“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bisha Maajo.