Muuqaal-Sawirro: Puntland oo Bilowday inay si toos ah ula macaamilaysa Beesha calamka

01 May 2024 (Puntlandes.com) Xarunta Wasaaradda Amniga Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka qabsoomay kulan u dhexeeya Puntland iyo Beesha calamka

Kulanka oo looga Hadlayey Mashruuca Horumarinta Booliska Puntlnad Shanta sano ee Soo socata, ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga oo ugu horeeya Wasiirka Amniga Puntlnad Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) qaar kamida Hayadaha caalamiga ah ee taageera arrimaha Poliska Soomaliya taliye ku xigeenka Booliska iyo marti kale

Shirkan oo hore uga qabsoo mijiray magaalada Muqdisho ayaa hadda usoo wareegay Puntlnad waxaana laysku afgartay in hay´addaha caalamiga ah ay Puntland si gaara ugala macaamilaan arrimaheeda masiiriga ah. Intii kulanku socday waxaa lagu lafa guray shoqooyinkii 5tii sano ee la soo dhaafay u qabsoomay Booliska Puntlnad iyo qorshaha horumarineed 5-ta sano ee soo socota.

About The Author