DFS oo ka noqotay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro howlgalka QM ee Soomaaliya, ee UNSOM

11 May 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Soomaaliya ayaa ka noqotay  go’aankii ay ku dalbatay in la xiro ama la soo gabagabeeyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaana UNSOM.

DFS ayaa ku bedeshay dalabkeedii in guddi ay wqayb ka tahay loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya iyo waqtiga uu ku eg yahay, iyadoo la diyaarinayo qorshaha kala guurka ee UNSOM.

Dawladda Soomaaliya ayaa 5tii May 2024ka u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM codsiga ah in la baabi´iyo oo meesha laga saaro Xaafiiska UNSOM, kaas oo Soomaaliya kasoo shaqaynayey laga soo bilaabo 1992kii, halkaan ka akhrisi dalabka DFS.

Sidii qorshuhu ahaa waxay ahayd in la xiro UNSOM, Ciidamada ATMIS oo horey loo oran jiray AMISOM ay Soomaaliya ka baxaan 31 december 2024ka, kadib wuxuu maamulka Xasan Sheekh QM ka dalbaday inaysan ku filnayn amniga dalka ayna u baahan yihii n in la ilaaliyo.

Golaha Amaanka QM ayaa gaaray qaraar ay ku ansixiyeen in 1da janaayo 2025 Ciidamo haysta Mandate cusub ka hawgalaan Soomaaliya kuwaas oo ilaalinaya maamulka Xasan Sheekh oo ku filaan waayey amniga dalka.

About The Author