Sawirro: Madaxda wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa Puntland oo ka qaybgalay maalintii labaad shirka jiheynta xukuumadda

19 May 2024 (Puntlandes.com) Madaxda wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland oo uu u horeeyo wasiirka Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa ka qayb galay shirka jiheynta xukuumadda Puntland ee 2024-2029 oo maalintiisii labaad isagoo lasoo gababaynayo maalinta berri ah.

Mudada uu socdo shirkaan waxaa xooga lagu saari doonaa in wixi la qabtay la isla arko Lana dajiyo Qorshaha hormarinta 5 sano ee soo socota.

Wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland ayaa tiir dhexaad u ah horumarinta dhaqaalaha iyo wax soo saartka Puntland, waxaana uu la yihin wasiirku dardargelin kor u qaadka shaqada ay wasaaraddu u hayso shacabka Puntland isagoo fulinaya siyaasadda madaxweyne Deni.

About The Author