Go´aanka Xisbiga Mustaqbal ee Bursaalax “Wasaaradda Arrimaha Guduhu malaha awood sharci oo ay ku buriso Heshiiska Isbahaysiga Xisbiyada”

19 May 2024 (Puntlandes.com) Xisbiga Mustaqbal ee Bursaalax ayaa soo saaray qoraal uu uga jawaabayo go´aankii Wasaaradda Arrimaha Guduha dawladda Puntland ku burisay heshiiskii Xisbiyadu ku heshiiyeen dhismaha maamulka degmada Bursaalax.

Xisbiga Mustaqbal ayaa qoraal ku yiri “Wasaaradda Arrimaha Guduhu malaha awood sharci oo ay ku buriso ama kaga baxdo Heshiiska Isbahaysiga Xisbiyada oo ku xusan Xeerka LR.7. Qodobkiisa 29 farqadda 2-aad.

Wasaaradda Arrimaha Guduhu malaha awood sharci oo ay ku buriso ama kaga baxdo Heshiiska Isbahaysiga Xisbiyada oo ku xusan Xeerka LR.7. Qodobkiisa 29 farqadda 2-aad.

Waxaa Xisbiga Mustaqbal uu halkan kaga warcelinaynaa Warqadda Wasaaradda Arrimaha Guduhu u dirtay Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo ujeddadeedu ahayd “Burin Heshiis” taariikhdeeduna 13/5/2024. Waxaa iyana xusid mudan in Xisbiga Mustaqbal uu warqada u qoray Madaxweynaha, Ku-Xigeenkiisa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha May 9, 2024, ka dib markuu ogaaday in Xisbiga Kaah uu ka cagajiidayo hirgelinta heshiikii Isbahaysiga ee Bursalah iyo Xumbays. Haseyeeshee, wax warcelin ah uusan ka helin.”

About The Author