Wareysi xasaasi ah: Ergeyga Gaarka ah ee UN oo kahadashay carqabadaha Soomaaliya ku horgudban fariina dirtay….
21 May 2024 (Puntlandes.com) Wareysi xiiso badan taabanayana meelo kala duwan oo ay bixisay ka hor inta aysan howsheeda soo gabagabeyn Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa waxay uga mahadcelisay dadka Soomaaliyeed soo dhoweyntoodii, waxayna ku boorrisay dhammaan Soomaalida “in ay muujiyaan geesinimo iyo adkeysi”
Ergeyga oo waraysigeeda lagio soo daabacay bogga UNSOM ayey waxay ku dul istaagya shan kala-guur oo kala ah mid siyaasadeed, amni, dhaqaale, Bulsho iyo dal dhibaatooyinkiisa xalliya oo kaalintiisa saxda ah ka qaadanaya gobolka iyo caalamkaba.
Hoos ka akhriso waraysiga:
WAREYSTE: Markii aad dib u milicsato muddadii aad ka shaqeyneysey Soomaaliya, waa maxay qiimeyntaada ku aaddan halka ay Soomaaliya hadda ka taagan tahay tubta ay ku gaareyso nabad, xasilooni, iyo barwaaqo ka ballaaran sida hadda?
CATRIONA LAING: Wax xoogaa ayaan dib-u-milicsanayey arrintaa. Sida aan jeclahay in aan uga fekero ayaa waxay tahay ilaa shan kala-guur oo ay Soomaaliya mareyso. Midka koowaad waa kala-guurkiina siyaasadeed, maadaama aad ka guureysaan nidaam ku dhisan qabiil oo 4.5 oo aad u guureysaan nidaam dimuqraadi ah, doorashooyin iyo dastuur ku dhisan xeerar la isku raacsan yahay oo lagu wada dhaqmayo.
Dhammaan xaaladaha kala-guurka, sida la wada ogsoon yahay, waxa ay noqon karaan kuwo xasilooni-darro keena. Haddaba, waxaan u maleynayaa caqabadda dowladdu hortaala in ay tahay joogteynta xamaasaddaas, in ay taageero hesho, iyo in ay hubiso kala-guurka in uu dalka u horseedo xasilooni, u-dhammaansho. Kala-guur kastaba waxaa uu leeyahay kuwo ku khasaaraya, marka waa in aad si adag uga fekertaa sida aad u soo dhoweyn karto kuwo ku khasaaraya adigoo sidoo kale diiradda saaraya kuwa ku faa’iidaya.
Kuwa hadda ku khasaarsan waa haweenka, dhallinyarada iyo qabaa’ilada la haybsooco. Run ahaantii wa jihada saxda ah ee ay tahay in loo socdo laakiinse waxaa loo baahan yahay in si taxaddar leh loo maareeyo. Marka, kaasi waa kala-guurka koowaad.
Kala-guurka labaad waa kala-guur amni. Soomaaliya waxaa ka socda kala-guur ka dhacaya gudaha Midowga Afrika, iyadoo laga guurayo ATMIS [Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya] loona guuraya ciidan cusub oo uu Midowga Afrika yeelan doonno, laakiinse waxaa iska cad, in ugu dambeyntii ay amniga ku wareejin doonaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Waa in aan markaan xaqiijinaa [in] aan dhisno awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay xaqiijinta in ay leeyihiin silsilad saad oo si wax-ku-ool ah u shaqeysa.
Sida aan u arko kala-guurkan run ahaantii waa barashada casharrada laga dhaxlay iyo hubinta in aan diiradda saarno ‘sida’ aan wax u qabanno, iyo sidoo kale ‘waxa aan qabaneyno,’ iyadoo la xaqiijinayo dhammaan saaxiibada caalamiga ah in ay si mideysan uga shaqeeyaan taageeridda istiraatiijiyadeenna ka bixidda dalka si loo suurageliyo in Soomaalida ay la wareegaan hawsha.
Kala-guurka saddexaad: kala-guur dhaqaale. Soomaaliya, sida uu qof kastaba ogyahay, waxaa hadda ka jira xasarad ma-dhammaato ah – dhibaatooyin bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin fatahaado iyo abaaro iyo ayax ku habsada, iyo waxyaabo la mid ah.
Waa in aan Soomaaliya ka caawinnaa sidii ay u dhisi lahayd u adkeysiga aafooyinka cimilada la xiriira ee lama huraanka ah sababtoo ah waa kuwo sii socon doona. Haddaba, waxaan Soomaaliya ugu baahannahay dhaqaale awood u leh in uu u adkeysto aafooyinka la xiriira cimilada ee noocaan ah. Haddaba iyadoo laga fekerayo, tusaale ahaan, sida hab-nololeedka xoolo-dhaqatada uu ugu baahan yahay in wax laga beddelo. Ma waxaynu yeelanaa, tusaale ahaan, dhul daaqsiimeed xiran oo badan beddelkii xoolaha la soo daajin lahaa? Kaasi waa hal tusaale. Marka la eego faa’iidada badan ee laga heli karo ‘dhaqaalaha buluugga ah,’ xeebaha Soomaaliya. Marka kanna waa kala-guurka saddexaad.
Kala-guurka afaraad, waxaan ugu yeeri lahaa kala-guur bulsho [oo loogu talagalay] waddan weli dhaqankiisa ku adag, [loogu talagalay] bulshooyin dhaqankii hore haysta oo haweenka, runtii, aan weli si aad ah looga mid dhigin bulshada. Haddaba, inta ay Soomaaliya mareyso xaaladahan kale ee kala-guurka ah, [waxaa loo baahan yahay] in laga fekero sida ay u maareyso kala-guurkaasi si loo xaqiijiyo in xuquuqda aadanaha lagu saleeyo go’aaminta arrimaha bulshada iyo in laga faa’iideysto awoodda buuxda ee dalka, oo ay ku jiraan haweenka, qabaa’ilada la haybsooco, dhallinyarada, naafada oo ah kuwo hadda la haybsooco, ay dareemi karaan in ay qaadanayaan kaalintooda saxda ah.
Kala-guurka ugu dambeeya, oo ah mid aan isleeyahay waa midka isu wada keenaya dhammaan, waa nooc fikir ah oo aan isleeyahay in ay dowladdu ka meer-meerin, kaas oo ah in la beddelo sawirka laga bixinayo Soomaaliya oo in ay tahay dal ay ka jiraan dhibaatooyin loona beddelo dal dhibaatooyinkiisa xalliya oo kaalintiisa saxda ah ka qaadanaya gobolka iyo caalamkaba.
Waxay ila tahay tusaale wanaagsan in uu yahay Soomaaliya in ay rajo ka qabto in ay kursiga Golaha Ammaanka ku fariisato sannadka soo socda. Waxaa u sharraxan musharrax haweenay ah oo u tartameysa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika. Waxay door firfircoon ka qaadatay wadahadallada cimilada ee sannadkii hore. Marka, waxaan aragnaa Soomaaliya oo si tartiib tartiib ah ugu guureysa kaalin hoggaamineed – min dal dhibban ilaa mid dhibaato xalliye ah. Marka sidaasi waa sida aan u dhigi lahaa – waa safar, laakiinse ah safar u socda jihada saxda ah.
WAREYSTE: Waa maxay doorka ay Qaramada Midoobay ka qaadan ku leedahay safarkaasi?
CATRIONA LAING: Waxaan u maleynayaa mid ka mid ah waxyaabaha gaarka ah ee ay Qaramada Midoobay keeni karto in ay tahay door isu-keenis. Waxaan si gaar ah u leenahay awood aan isugu keeni karno dhammaan bah-wadaagta kala duwan. Halkan Soomaaliya, tusaale ahaan, udub-dhexaadka iskaashiga waa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo taageeraya dowladda, iyadoo iskaashigunna ay dowladda hoggaamiso. Laakiinse, waxaan leenahay saaxiibo kale oo kala duwan.
Marka, dalalka deriska la ah Soomaaliya – sida Kenya, Itoobiya, Ugaandha, oo sidoo kale ah dalalka ciidamada ku deeqay Midowga Afrika – ayaa gacan ka geysanaya sidii loo xaqiijin lahaa in dalalka gobolku ay doorkoodu qaataan. Waxaa kaloo jira dalalka Khaliijka. Soomaaliya waxay leedahay dalal kala duwan oo ka mid ah dalalka Khaliijka oo Soomaaliya daneynaya: Turkiga, Imaaraadka, Qadar, iyo sidoo kale kuwa aad ugu yeeri karto saaxiibada soo-jireenka ah: Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Haddaba, waxaan qaadanaa door isu-keenis ah annagoo isku-dayayna in laga mideysnaado guud ahaan dadaalkaasi. Marka la eego waxa uu yahay waajibaadkeena udub-dhexaadka ah, waa in aan asal ahaan taageerno qaran-dhisidda iyo nabad-dhisidda. Waa waxa aan halkan u joogno in aan sameyno. Laakiinse habka aan u sameyno, iyo sidoo kale bixinta kaalmo toos ah, waa suuragelinta doorkaasi isu-keenista ah
WAREYSTE: Marka aad mustaqbalka eegto, maxaad u aragtaa in ay yihiin fursadaha iyo halisaha ugu waaweyn, ee horyaalla horumarka Soomaaliya?
CATRIONA LAING: Waxaan qabaa marka la eego fursadaha, mid, sida aan horey sheegayba, in uu yahay ‘dhaqaalaha buluuga ah.’ Soomaaliya waxay leedahay Hiigsiga Qarni-jirsiga ah ee 2060 oo ay durba ka shaqeynayso, kaas oo ah aqoonsiga iyadoo leh xeebaha ugu dheer Afrika, in ay jiraan fursado ballaaran: fursado kalluumeysi, waxaa jira fursado saliid iyo gaas looga soosaari karo, waxaa jira fursado aad ka heli kartaan dekedaha aad leedihiin, halkaasi oo ay ka jirto daneyn badan, sida aynu ka arki karno arrinta hadda la halmaasha MOU [Heshiiska Is-afgaradka ah] ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland. Waxaa si aad ah loo xiiseynayaa dekadahiinna iyo sidoo kale fursado dalxiis.
Laakiinse waxaa jira xiisado suuragal ah in ay ka dhex dhashaan ujeeddooyinkaasi. Haddaba, haddii aan u sii gudbo qaar ka mid ah caqabadaha jira, sidee ku xaqiijin kartaa in si sax ah la isugu dheelitiro kalluumeysiga iyo saliidda iyo gaaska?
Haddaba, adigoo si taxaddar leh uga fikiraya isku-dheelitirnaanta u dhaxeysa labadaasi.
Marka la eego dhinaca halisaha, mid ka mid ah halisaha ugu waaweyn ee ay Soomaaliya wajahayso waa amniga. Marka xitaa dhinaca badda la eego, waxaan aragnaa dib u soo noqoshada burcad-badeedda. Waa in aan si degdeg ah uga shaqeynaa sidii aan u maareyn lahayn arrintaasi si aanay mar kale u fidin.
Marka la eego dhinaca Al-Shabaab sida iska cad, dowladda waxay xoogaa horumar ah ka gaartey ololaha la-dagaalanka Al-Shabaab. Laakiinse dhab ahaantii waa muhiim in guulahaasi la joogteeyo iyo marka dhul cusub dib loo xoreeyo, dowladu waa in ay si degdeg ah ula timaadaa waxyaabo xasilooni dhalin kara si dadka shacabka ah loo tuso in la-jirka dowladda ay ka wanaagsan tahay la-jirka Al-Shabaab. Taasi macnaheedu waa bixinta adeegyada talinta sharciga, adeegyada aasaasiga ah, iyo suuragelinta in ay nolol wanaagsani ku noolaadaan dadka ku dhaqan degaamada ay Al-Shabaab gacanta ku hayn jirtay.
Halis kale oo aad u weyn waa isbeddelka cimilada, oo aan aaminsanahay in ay nala joogto. Waa in la noolaanaa. Xitaa haddii aan ku guuleysano in aan si tartiib tartiib ah u yareyno kaarboon laba ogsaydhka (CO2) ku darno atmosfeerka, waxaa durba jira in badan oo ay tahay in aan la noolaanno. Sidaa daraadeed, Soomaaliya waa in ay u diyaar-garowdaa xaaladahaasi cimilada oo ayna ka fekertaa dhaqaale adkeysi leh oo, marka dambe laga yaabo in uu ka guuro reer-guuraanimo una guuro dhaqaale nooca xeebaha ah.
Fursadda ugu dambeysa ee aan arko waa in Soomaaliya ay kursi ka hesho Golaha Amaanka sannadka soo socda, haddii wax kastaba ay noqdaan sidii laga rabey. Taasi waxay Soomaaliya u suuragelinaysaa in ay muujiso nafteeda, iyo safarkeeda, balse waxay sidoo kale muujinaysaa in Soomaliya ay tahay dal hadda heshiis ah, dariskiisana heshiis la ah, oo la rajeynayo in uu awoodo in uu gacan ka geysto xallinta dhibaatooyinka caalamka.
WAREYSTE: Ugu dambeyn, maadaama aad ka tageyso shacabka Soomaaliyeed, maxaad u sheegi lahayd?
CATRIONA LAING: Hagaag, waxa ugu horreeyo, ee aan leeyahay waa aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed in ay mar labaad i soo dhoweeyaan. Markii iigu horreysay waxaan halkan joogay 1993-1994, waxaan ka mid ahaa Hawlgalkii QM ee asalka ahaa, waxaanna dareemay in ay si diirran ii soo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed. Waxaan awoodey in aan dalka oo dhan u safro. Waxaan soo marey Soomaaliya oo dhan waagaasi oo ay fududayd in lagu dhex safro.
Waxaanna mar walba doonayay in aan dib ugu soo noqdo. Waxaanna aad ugu faraxsanahay in aan awooday in aan sannad kale oo aad u fiican ku qaato. Marka, dadka Soomaaliyeed waad ku mahadsan tihiin sida aad ii soo dhaweyseen.
Tan labaad, waxaan idin leeyahay geesinimo muujiya, adkeysi yeesha. Waxaan si buuxda u bogaadinayaa ilaa iyo inta aad hadda soo gaarteen. Dabcan, waxaa qayb ahaan sabab u ah dowladda, laakiinse waxaa ugu horreyn sabab u ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo hibo iyo hal-abuur ganacsi leh.
Waxaan la shaqeynayay haween da’yar oo aad cajiib u ah oo hibo la siiyey, tusaale ahaan. Dadkaasina waxay dib ugu soo noqdeen dalkooda si ay waddankooda ugu adeegaan. Taasina waxay rajo weyn iga galinaysaa Soomaaliya. Sidaa daraadeed, adkeysi yeesha, geesinimo muujiya, oo geeddiga sii wada. Waxaa jiri doonna dib-u-dhacyo. Waa lama huraan. Laakiinse aynu si wadajir ah ugu hayno isheenna abaal-marinta, oo ah Soomaaliya adkeysi leh, nabad ah, oo kaalinteeda ka qaadaneysa gobolka iyo caalamka, oo ah meel ay dadka fursad ugu helayaan in ay fuliyaan karaankooda iyo hamigooda, dhammaan carruurtan yaryar ee doonaya mustaqbal wanaagsan.
Waxaan aniguna idin kula jiraa geeddigaas meel kasta oo aan dunida ka joogo – waxaan safiir u noqon doonaa Soomaaliya, si aan gacan uga geysto ka sheekaynta sheekadiinna, oo ah sheeko wanaagsan.