Sawirro: Wasiirka Cafimaadka Puntland oo la wareegay 6 Ambulance
13 June 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaarada Cafimaadka mudane Sacid Jama Qorshel oo u weheliyo Wasiiru-Dowlaha Cafimadka Mudane Ahmed Sheikh Farah ayaa maanta la wareegay 6 Ambulance oo loogu talagalay in loogu adeego Isbiltaalada Degmoyinka Nugaal si kor logu qaado ka jawaabida Gurmadka Deg-Dega ah ee loo fidinayo Bulshada goor walba iyo goob walba.
Ambulance-yadan ayaa qeyb ka ah Mashruuca Damal Caafimaad ee ay fulinayaan hay’adaha PSI iyo Care International maal galinayana Bangiga Aduunka.
Wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa gacanta ku haysa 421 xarumo caafimaad oo ku kala yaal Gobolada Puntland kuwaas oo 24 saac bixiya adeeg Caafimaad kana jawaaba Gurmadyada Deg-Dega ah meelaha fog-fog ee loogu fidinayo Bulshada reer Puntland, tayeenta iyo baahinta adeega caafimaad waa Himilooyinka Dowlada Puntland.
Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Adna Farax Abdulaahi iyo kusimaha agaasimaha Qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed.