Sawirro: Laascaanood & Buuhoodle oo 33 sano kadib looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso DFS
22 June 2024 (Puntlandes.com) Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya.
Imtixaanka ayaa waxaa u fariisanaysa 1,154 arday ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, waxaana goobaha Imtixaanka lagu qaadayo ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maamulka Xasan Sheekh, kuwaas oo u xil saaran ilaalinta iyo kormeerka goobaha imtixaanka lagu gelayo.