Dowladda Soomaaliya oo wadahadal la bilowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM

23 June  2024 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadahadal la bilowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas.

Kulan ayay shalay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM. Wadaxaajoodkaan oo hadda bilow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa inay Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegto, halka ay sidoo kale doonayso in qaarka kalena uu sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

About The Author