Sawirro-muuqaal: Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgaysay Miisaaniyadda Lixda bilood ee June-Dec 2024, $207, 009, 112

25 June  2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Golaha Baarlamaanka horgaysay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar).

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyey Golaha waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dawladda Sannadka ee lixda bilood, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda 1-da July 2024, kuna eg December 31, 2024.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Axada 30/06/2024.

Waxaa xusid mudan in miisaaniyaddu korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore.

About The Author