Sawirro: Wasiirka Xannaada Xoolaha Puntland oo Kormeer iyo qaybin Abuurka Calaf Xoolaha u gaaray Deegaanka 22aad ee Degmadda Garowe

25 June  2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa gaaray Deegaanka 22aad ee Degmadda Garowe ,Wafdiga oo uu qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada xoolaha DPL Xasan Maxamed Ciise (Goodir), ayaa mas’uuliyiinta u tageen Shaqo oo iskugu jirta Kormeer iyo qaybin Abuurka Calaf Xoolaha ayaa lagu gaarsiiyey Xoolo-dhaqato beeralayda ku dhaqan Deegaanka 22aad .

Waxaa ka warbixiyey marxaladihii mashruuca, sida bulshada uga faa’idaysteen iyo heerka uu marayo hadda Agaasimaha Waaxda Waxsoosaarka Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Muuse is xogwaraysi dheer ka dib Mas’uuliyiinta ayaa ku wareejiyey bulshada Abuurka Calafka sidoo kalena kula dardaarmay bulshada Xoolo dhaqato beeralayda ah ee fursadda u heshay in ay ka qayb galaan mashruucan inay uga faaiidaystaan sida ugu haboon si loo yareeyo dhibka abaaruhu u gaystaan Xoolaha ayna tahay in ay u gudbiyaan cilmiga ay barteen bulshada kale.

About The Author