Sawirro: Wasiirka Xannaada Xoolaha Puntland oo Kormeeray Maxjarka Qardho, Shaybaarka, xafiiska Wasaaradda & Shirkadda caanaha

25 June  2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa gaaray ayaa kormeeray Maxjarka Qardho, Shaybaarka, xafiiska Wasaaradda ee degmadda iyo Shirkadda caanaha ee degmadda.

Wasiirka oo u kuurgalaya xaaladaha ay ku sugan yihiin Xarumaha Wasaaradda ee degmada qardho ayaa warbixin ka dhagaystay Isuduwaha Gobolka, maamulaha maxjarka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ee degmada.

Safarkaan ayaa dabo socda Dardargelinta shaqooyinka Gobollada iyo degmooyinka si loo sameeyo maamul daadejin.

About The Author