Madaxweynaha Kenya oo ku dhaawaqay inuu ka laabtay Sharcigii Maaliyada ee Banaanbaxyada rabshadaha sababay

26 June  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay inuu ka laabtay Sharcigii Maaliyada ee Banaanbaxyada rabshadaha sababay ka dhaliyey Dalka Kenya isaga oo sheegay inuu u tanaasulay Shacabka Kenya.

Ruto oo hadlay xili ay xaaladu faraha kasii baxayso ayaa u muuqda inuu badbaadiyey Dalkiisa isla markaana dhagaystay dareenka shacabka oo si adag uga soo horjeestay ansixinta Sharciga uu ku adkaysanayey Madaxweyne Ruto.

“Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan , dadku way hadleen…. Annigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga Maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa.” ayuu yiri Ruto.

Banaanbaxyada ka qarxay Kenya ayaa sababay Khasaare nafeed iyo kuwo hantiyeed iyadoo Ciidamada Kenya ay isticmaaleen awood rasaas noolna u adeegsadeen Shacabka Kenya ee banaanbaxayey.

About The Author