Sawirro: Wasiirka Xannaada Xoolaha & Daaqa Puntland oo booqday suuqa Hilibka lagu iibiyo iyo Sayladda xoolaha lagu kala gato ee Qardho

26 June  2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda Xannaada Xoolaha & Daaqa dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa booqday suuqa Hilibka lagu iibiyo iyo Sayladda xoolaha lagu kala gato ee magaladda Qardho.

Wasiirka ayaa ka dhagaystay Ganacsatadda hilibka cabashadooda iyo baahiyaha ay qabaan,Sidoo kale waxa iyana dareenkooda ka hadlay Dadka xoolaha keena sayladda iyo kuwa iibiya.

Wasiirka ayaa la wadagaay dhamaan goobihii uu booqday siyaasadda Cusub ee Wasaaradda taas oo ah in la ilaaliyo caafimaadka xoolaha iyo fayodhowrka hilibka.

waxa uu la wadaagay Qorshaha lagu rarayo Sayladda xoolaha Laguna dhisayo kawaanka xoolaha lagu gowraco,Sidoo kale waxa uu balanqaaday in ay Dayactir ku samayn doonaan Suuqa hilibka lagu iibiyo.

About The Author