Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Barlamaanka Jubaland oo ka horjeestay in dastuurka Jubaland lafuro si uu isu sharaxo Axmed Madoobe.

27 June  2024 (Puntlandes.com) Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa qoraal uu qoray waxa uu uga horjeestay in dastuurka Jubaland lafuro si uu isu sharaxo Axmed Madoobe.

Hoos ka akhriso qoraalka gudoomiyaha:

Marka koowaad waxaan salaamayaa dhamaan shacabka Jubaland, Siyaasiyiinta Mucaarud iyo Muxaafid labaduba, Waxgaradka, Dhaqanka, Aqoonyahanada, Haweenka, iyo Masuuliyiinta katirsan Dowladda Goboleedka Jubaland ee aan aniga ka ahay Masuulka Sedexaad mansab ahaan sida uu sharciga qabo.

GOGOL DHIG;

* Intaanan u gudbin bud-dhigga war-martiyeedkayga waxaan idiin la wadaagayaa qeeb kamida Qodobada Dastuurka Jubaland.

DASTUURKA JUBALAND:

*Dastuurka Jubaland Qodobadiisa 1ªª iyo 2ªªɗ waxay dhigayaan nidaamka lagu aasaasay Jubaland waxayna qeexayaan in Jubaland lagu dhisay laguna maamulayo rabitaanka shacabka Jubaland.

Waxaa sidoo kale ku qeexan in nidaamka Jubaland yahay DIMUQRAADI.

*Dastuurka Jubaland Qodobadiisa 10ªª-25ªªd waxaa ku qeexan Xuquuqaha iyo Xorriyaadka Aasaasiga ah.

*Dastuurka Jubaland Qodobadiisa 31ªªḍ, 32ªªḍ, iyo 39ªªḍ waxaa ku qeexan; Awoodaha iyo Masuuliyaadka Barlamaanka Jubaland, Xasaanadda Barlamaanka Jubaland, iyo Doodaha Hindise Sharciyeedyada Barlamaanka.

*Dastuurka Jubaland Qodobadiisa 67ªªḍ illaa 70ªªḍ waxaa ku qeexan; Doorashooyinka Guud, Qaabka Doorashada Madaxweynaha, Shuruudaha Musharaxa Madaxweynenimo, iyo Mudada Xilheynta Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa.

GUNDHIGGA WAR-MURTIYEEDKA:

*markaan arkay masuuliyadda iga saaran ilaalinta sharciga Jubaland iyo matalaadda shacabka Jubaland aniga oo gudanaya waajibkayga Gudoomiyenimo iyo kan xildhibaanimo waxaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Beesha Caalamka, dhamaan Siyaasiyiinta iyo Shacabka Jubaland ugu baaqayaa;

*Waxaan Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu baaqayaa in uu si shaqsi ah u aqristo qodobada dastuurka Jubaland ee kor kuxusan kadibna qiimeeyo halka uu isaga ka taaganyahay iyo waxaa xal-waara u noqon kara aayaha Dowlad Goboleedka Jubaland.

*Waxaan Madaxweynaha Jubaland ugu baaqayaa in uusan intaan ka badan Barlamaanka Jubaland sii dulleysan oo uusan dafirin awoodaha iyo xasaanadda Barlamaanka Jubaland oo ku qeexan qodobada kor kuxusan. Waxaan usoo jeedinayaa madaxweynaha in uu Xildhibaanada Jubaland xuquuqdooda u ogolaado.

*Waxaan Madaxweynaha Jubaland xasuusinayaa in Jubaland lagu dhisay dedaal xad-dhaaf ah iyo tacab aanan lagu dhisin Dowlad Goboleedyada Koonfurta Soomaaliya, sidaas darteed ay muhiim tahay in talada Jubaland si laxjecla leh oo loo dhanyahay la iskugu raaco.

*Waxaan Beesha Caalamka, Shacabka Jubaland, iyo Siyaasiyiinta Jubaland, Masuuliyiinta Jubaland iyo Madaxweynaha Jubaland dhamaantood u xaqiijinayaa in aysan suurogal aheyn in WAX KA BEDEL lagu sameeyo QODOBKA 70ªªḍ ee Dastuurka Jubaland. Taas beddelkeeda waxaan dhamaan u xaqiijinayaa in aan si daacad ah u ilaalin doonno rabitaanka shacabka Jubaland iyo Dastuurka Dowlad Goboleeda Jubaland. Sida ku cad QODOBKA 70ªªḍ Madaxweynaha Jubaland wuxuu xilka qaban karaa LABO JEER wuuna soo qabtay weliba waxaa u dheer xilligii kumeelgaarka.

Caalamka majirto meel uu Madaxweyne iska bedesho dastuurka oo uu mudada xil-qabashada ka dhigto sida uu isaga jecelyahay kadib markii uu dhameysto muddo xilleedyadiisa sharciga ah. Tusaale; Dowladda Kenya markii uu xilheynta dhameestay MD Uhuru wuxuu taageray Raila maadaama uu dhameestay mudada xilheynta oo aheyd labo jeer sida teena Jubaland oo kale ah.

Sidookale madaxweyneyaasha dowladaha horumaray dhamaantood majiro madaxweyne kordhisada mudada xil-qabashada, sababtu waxay tahay nidaamka dowladnimo ee ku dhisan DIMUQRAADIYADDA waxaa bud-dhig u ah in kursiga madaxweynaha aanan loo qaadan sida boqortooyo.

*Waxaan madaxweynaha Jubaland ugu baaqayaa in uu ka tago legacy oo uu oday ka noqdo doorashada Jubaland kursigana u baneeyo Muwaadiniinta Jubaland oo soo samray muddo 13 sano oo ay ugu horeeyaan Siyaasiyiinta Jubaland Mucaarud iyo Muxaafid labaduba.

*Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa in ay taageeraan ilaalinta dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaagga Jubaland, taasoo ay iyaguba tacab badan geliyeen sidii loo dhisi lahaa Dowlad Goboleedka Jubaland.

*Ugu dambeyn waxaan Siyaasiyiinta Jubaland ee hanka ka leh hogaaminta Jubaland ugu baaqayaa in ay u yimaadaan doorashada Jubaland si ay isbeddel u horseedaan.

MAHADSANIDIIN.

Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubaland.

Mudane Aden Khaliif

About The Author