Sawirro: Olala Doorashada 3 degmo oo qorituur loosameeyey bilaami doona 06-July

27 June  2024 (Puntlandes.com) Guddoomiye kuxigeenka Guddiga ahna sii hayaha Guddoomiyaha Mudane Ahmed Mohamoud Omar, ayaa Caawa shir Guddoomiyay Shirka Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyada Siyaasadda.

kulanka oo ay Guddiga iyo Xisbiyadu uga wada hadleen ambaqaadka Jadwalka Doorashada, Ololaha Xisbiyada, ilaalinta qoondada Haweenka ee ka qaybgalka Doorashada, Wacyigelinta Bulshada, ka qaybgalka kulamada wacyigelinta iyo dardargelinta guud ahaan hawlaha horyaala ee Doorashada, ayay Guddiga Doorashooyinka Puntland Xisbiyada ugu qabteen qorituurka maalmaha ololaha Xisbiyada ee Doorashada Golaha degaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Gobobjiiraan oo noqondoona laba wareeg.

Olala Xisbiyada ee Doorashada ayaa bilaami doona 06-July-2024, isagoo ku eg 21-July-2024.

About The Author