AUN guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku geeriyoodey Muqdisho

28 June  2024 (Puntlandes.com) Allaha u naxariiste waxaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Geeridda gudoomiyaha ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxda dawladda Federaalka ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariiste guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku geeriyooday da’da 79-sano jir, wuxuuna laba mar soo noqday Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena wuxuu soo qabtay xilal kala duwan, Isaga oo kamid ahaa ruugcadayaasha Siyaasadda Soomaaliya iyo aqoonyahanka waa weyn ee Dalka Soomaaliya.

About The Author