DFS & Itoobiya oo Turkiga wadahadal uga furmay, xagee ku dambeeyey sharuudii DFS?

30 June 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay dalka Turkiga, si uu uga qaybgalo wadahadallo uga bilaabanayhalkaas Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo xukuumadda Ankara ku cadaadisay inay DFS aqbasho.

Wadiga u baxay Turkiga ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, qoraal kooban oo lagu daabacay bogga X (Twitterka) ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wadahadaladan, balse lagu sheegin wax ajendi ah marka laga tego inay isugu tegayaan magaalada Ankara.

DFS ayaa markii MOU Itoobiya iyo Somailand soo baxday bilowgii sanadkaan waxay sharuud uga dhidtay inay la kulmayn Itoobiya ilaa ay ka laabato MOU-daas, laakiin waxa hadda caddaatay inuu Turkigu ku qasbay inay aqbasho iyadoon Itoobiya fulin sharuudaas.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa Xukuumadda iyo labada Aqal ee Baarlamaanka JFS marsay sharci lagu wareejiyey Badda Soomaaliya iyo Khayraadka ku jira dawladda Turkiga isagoo ku sheegay inay difaacayso Badda Soomaaliyana u dhisayso Ciidan Baddeed oo qalab casri ah wata.

Waxaa soo baxday inaysan waxba ka jirin uusan Turkigu kala jeclayn labada dal ee uu dantiisa uun eeganayo.

About The Author