Mareykanka: Soomaaliya waxay wajahaysaa xaaladdii Afgaanistaan, balse shacabka ayaa ka hortegi kara

30 June 2024 (Puntlandes.com) Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley oo ka hadlayay marxaladda kala guurka Soomaaliya oo la filayo inay ka baxaan ciidamada howlgalka ATMIS ayaa walaac ka muujiyay khatarka kooxda Al-Shabaab.

General Michael Langley ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’ideysan karto ​​bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay si fudud gacanta ugu dhigi kara dalka oo dhan suuragalnimadeeduna 100% tahay marka loo fiiriyo awoodooda, tababarkooda iyo istiraatiijiyadooda dagaalka.

Waa warkii ugu cuslaa ee sarkaal maraykan ah ka sheega natiijada bixitaanka ATMIS

About The Author