Shirkadda Dekedda Garacad oo xaqiijisay inay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta wadahadal kula jiraan.

default

30 June 2024 (Puntlandes.com) Dekedda Garacad ee gobolka Mudug, oo ah mashruuca ugu ballaaran ee si isku tashi ah dalka looga hirgeliyay ayaa hadda maamulka gacanta ku haya waxay xaqiijiyeen inay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta wada-xaajood meel wanaagsan maraya kula jiraan si ay maalgelin ugu sameeyaan dekedan ku taalla goobta istiraatijiga ah ee badweynta Hindiya.

Dhanka kale waxa uu xaqiijiyay guddoomiyaha shirkadda maamusha dekedda Wadaagsan Warsame Axmed Shiddo in wada-hadallada maalgelinta uu ku koobanyahay labo shirkadood oo aysan wax door ah hadda ku lahayn dawladda.

 Gudoomiyaha ayaa intaa ku sii in daray 25 bisha July ay yeelanayaan maalgashadayaasha dekedda oo ah ganacsato Soomaaliyeed shir lagu gaarayo go’aanka hannaanka loo dhammeystirayo maalgelinta lagu horumarinayo dekedda.

About The Author