AlShabaab oo sheegtay inay Ciidamada DFS khasaare xoogan oo dhimasho & dhaawac ah gaarsooyeen

30 June 2024 (Puntlandes.com) AlShabaab ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ku dhawaad 50 Ciidanka DFS wax ay dilaan iyo wax ay dhaawacaan ka dhigteen.


Al-Shabaab ayaa sheegtay in 29 askari ay ku dileen kuna dhaawaceen qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyne. Sidoo kale waxay sheegeen in 9 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay lagu dhaawacay 7 kale weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhow degmada Runirgod ee gobolka Sh/dhexe.

Dawladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin sheegashada Alshabaab.

About The Author