Somaliland: Wasiirka Awoodiisa ku wareejiyay wasiir ku xigeen!

01 July 2024 (Puntlandes.com) Warqaddani waxa ay ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada 30 April 2024, waxa uu ku wareejiyay Masuuliyadda Maamulidda Maashaariicda & Deeqaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada la siiyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda, waxa warqaddan ku qoran Mashruuca Global Partner Edition (GPE) oo ay ku baxayso $27 million, waxa kale oo jira Mashaaruuca Education Cannot Wait oo ah $11 mllion & Mashruuca Horumarinta Cilmiga oo ah $12 million iyo Mashaariicda iman doona.

Mashaariicdaan uu wasiirku wareejiyeya isugayntooda lacageed waa $50 million, waxayna noqonaysaa wareejintaani mid aa n horteed dhicin, mana ka jirto Wasaaradaha kale inkastoo ay jiraan Agaasimayaal Guud oo ka Awood badan Wasiiradoodaa.

Wasiirka Awoodiisa wareejiyay ama laga wareejiyay waxa uu Xukuumadda Somaliland ku metelaa Gobolka Awdal, maxay tahay sababta uu u wareejiyay Wasiirku Awooddiisa Shaqo?

About The Author