Dawladda Itoobiya oo kahadashay kulankii Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya & Itoobiya ku dhexmaray Ankara

02 July 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Itoobiya ayaa qoraal soo saartay uga hadashay kulankii Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya & Itoobiya ku dhexmaray Ankara, iyadoo ku sheegtay in ay wasiirada labada dal oo uu u dhaxeeyey wasiirka Turkigu, ay is weydaarsadeen daacadnimo, niyadsami & aragti horumar leh oo khuseeya khilaafka labada dal.

Itoobiya waxay sheegtay in Soomaaliya & Itoobiya ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka, una mahadcelinayaan dawladda Turkiga.

About The Author