Baarlamaanka Jubbaland oo ka bedelay dastuurka waqtigii xadidayey in Madaxweynuhu isa sharaxi karro & mudo xileedka

02 July 2024 (Puntlandes.com) Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland oo isugu yimid kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaas.

Mid ka mid ah qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.

Sidoo kale mudo xileedka ayaa laga dhigay 5 sanno waxaana Qodobka 65aad laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Tan ayaa ka dhigan in Jubaland ay u jiheysatay dhabaha doorasho Dad-ban, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaana markale musharax madaxweyne ah.

About The Author