Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe

02 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan xaalka goobtaas, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Alshabaab looga xoreynayo deegaanada ay ku hareen.

About The Author