Muuqaal: Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee lixda bilood (Luulyo-Diseember) ee 2024

02 July 2024 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa maanta fadhiga 7aad ee Kal-fadhiga 54aad Golaha Wwaxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dawladda ee lixda bilood (Luulyo-Diseember) ee 2024.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 51 Mudane ayaa looga dooday ku noqoshada Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee lixda Bilood ee Luulyo- Diseembar 2024, taas oo warbixin la xiriirta Golaha la wadaageen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka oo akhriskii labaad ku sameynayey.

Dood iyo Falanqeyn dheer ka dib, Golaha ayaa ansixiyey Ku noqoshada Miisaaniyadda 2024 ee Bilaha Luuliyo–Diseembar 2024.

Odoroska ku noqoshada Miisaaniyadda ee lixda bilood ee soo socota sannadka 2024 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay 207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar.

Guntanka fadhiga oo ahaa (51) Mudane, waxaa Ansixinta Miisaaniyadda dawladda ugu codeeyey Oggol (47) Mudane, Diimdo (2) Mudane, halka ay ka Aamuseen (2) Mudane.

About The Author