Maaulmulka Gaalkacyo oo waaxdeedii fayo-dhowrka ku wareejisay shirkad gaar loo leeyahay oo lacago badan….

03 July 2024 (Puntlandes.com) Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa waaxdeedii fayo-dhowrka ku wareejisay shirkad gaar loo leeyahay, taasoo lacago aad u badan ka qaadaysa goobaha ganacsiga.

Heshiiskaas oo awood u siinaya shirkada in ay ganacsatada ka qaado lacago ganaax ah oo xad dhaaf ah, isagoona heshiisku saamaynayo dhammaan ganacsiyada, laga bilaabo Xoole Qale, dukaanle ilaa cabitaanle.

Heshiiska ayaa waxaa ku xusan inuusan maamulka degmada ka doonayn shiskadda wax khidmad ah sanadka u horeeya oo ay iyado iska gurato lacagta, wixii ka dambeeyana kala bar ay siiso degmada barka aklena ay qaadato shirkadu, hoos ka akhriso.

Ganacsatada magaalada Gaalkacyo oo ka cabayana lacagta xad dhaaf ah ee uu saaray maamulka ayaa sheegay in talaabooyinkaan ay ku khasbayaan inay kordhiyaan qiimaha wax walba oo ay iibinayaan.

About The Author