Ciidamada dowladda Puntland oo rasaas ku kala eryey darawalada gaadiidka Bajaajta ee Gaalkacyo, kadib markii….

03 July 2024 (Puntlandes.com) Ciidamada dowladda Puntland ayaa rasaas u adeegsanaya kala eryida darawalada gaadiidka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo soo gudbiyey inaysan qaadi lacag lagu soo rogay.

Gaadiidleyda ayaa sheegay inay ka cabanayaan lacago ka baxsan canshuur oo dowladda hoose ee degmadda gaalkacyo ay ku soo rogtay, kadib heshiis ay la gashay shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Horseed.

Shirkadda Horseed ayaa waxay gaadiidka bajaajta bishii laga qaadayaa lacag dhan 15 waxayna maamulka iyo shirkadu u kala qayb sadeen 5 doollar waxa qaadanaysa dawladda hoose, halka ay Shirkaddu qaadanayso 10 dollar.

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaama (Jidxun) ayaa heshiis la galay shirkad uu ku naas nuujinayo lacag xad dhaaf ah oo xoog looga qaadayo ganacsatada magaalada, halkaan ka akhriso.

About The Author