Wasaarada Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Xisaab Xirka 2023

03 July 2024 (Puntlandes.com) Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta Golaha Baarlamaanka horgeysey Xisaab Xirka 2023 ee Dowladda Puntland

Xisaab-xirkan ayaa xambaarsan Dakhliga iyo Kharashka Dawladda dhexe, Mashaariicda Bangiga Aduunka, Hantida dowladda iyo daymaha dawladda lagu leeyahay. Waxaa kaloo weheliya Dawladaha hoose qaarkood oo lifaaq ahaan ugu jira Xisaab-xirkan laguna ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda 2023, taas oo maamumlkooda dakhli iyo kharash midna uusan soo marin Khasnada Dawladda.

Miidaniyadda 2023 ayaa waxay ahayd $ 119,487,960, waxaase Dakhli usoo xerooday Dowladda 85,034,853 waxaana is dhimay $ 34,453,107.

Is dhinka ayaa waxay u dhigantaa 28,83%, iyado inta dawladda u soo xarootayna ay tahay 71,17% kaliya.

Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa lafilayaa in ay soo akhrin doonaan Xisaab-xirka ay golaha keeneen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu, sidii caadada u ahaydna gacanta u taagi doonaan.

Puntlandes.com

About The Author