RW Itoobiya oo ka hadlay qodobka la xariira arrinta Badda iyo damaca Itoobiyaanka

04 July 2024 (Puntlandes.com) Ra´iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo kahor hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa soo qaaday qodobka la xariira arrinta Badda iyo damaca Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuu kuceliyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo Badda Cas, qeyb kamid ah.

Ra´iisul wasaarahe Abiy oo ku dhawaaqay in ay ‘sharci’ tahay in ay helaan Badda-cas, ma uusan soo hadal qaadin wada-hadallada dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo xataa xilliga uu hirgeleyo isfagaradkii uu la galay Hargeysa.

Somaliland ayuu sheegay in ay noqotay cida u horeysa ee kasoo jawaabtay dalabkooda, oo ay sidaas ula galeen Is Afgaradkii u dambeeyey, isagoo sheegay in ay Soomaaliya aad dhaqaale ugu bixisay sidii loo burburin lahaa MOU-ga, taas oo sheegay in laga maarmi karay oo ay ahayd in madaxda Soomaalida ay lahadlaan Madaxda Itoobiya, halkii ay cid gacan sadexaad ah mari lahaayeen.

Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Badda, isagoo tilmaamay in ay jid kasta u marayaan, horey ayuu tilmaamay in ay abaal badan ugu leeyihiin dawladda Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu sheegay in ay dhiiga u hureen mudo badan.

RW Itoobiya ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya doodaha ay ka qabaan Is Afgaradkii uu la galay Muuse Biixi, lagu xalin karay oo kaliya Isfahamwaaga ka bilowday hal kulan iyo Hal Safar.

“Lacagaha ay Soomaaliya ku bixinayso meelahaas ee warwareega ah, ee ka dhanka ah MOU-ga waxaa dhaama in Hal dugsi uga dhisaan Muqdisho, si caruurta wax uga bartaan” RW Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay baarlamaanka

“Xaq, taariikh iyo baahida taagan ba waa sharci in aan helno Bad, waxa ku xidhan nolosheenna, horumarkeenna iyo xasiloonida gobolka.” – Ayuu yiri isaga oo la hadlaya Baarlamanka dalkiisa.

Hadaljeedinta RW Itoobiya, kuma soo qaadin waqtiga hirgalinta MOU-gii uu lasaxiixday Muuse Biixi iyo wada hadalkii u danbeeyey ee Turkiga ka dhacayba.

About The Author