Itoobiya “Helitaanka Baddu aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaha iyo tirada dadka Itoobiya ee koraya….”

04 July 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta la hadlay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dowladdiisu aysan su’aal galinaynin midnimada Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in aysan diyaar u ahayn kala-qeybinta dalka Soomaaliya.

Ra´iisul wasaare Abiy ayaa yiri “Helitaanka Baddu aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaha iyo tirada dadka Itoobiya ee koraya. Is-afgaradkii aanu la saxeexanay Somaliland waxa uu yimid ka dib markii ay dawladda Soomaaliya diidday in ay nala hadasho, markii hore.”

About The Author