Xisbiga Shaqaalaha oo hogaaminta UK la wareegaya kadib guul wayn uu helay doorashadii…
05 July 2024 (Puntlandes.com) Xisbiga Shaqaalaha ee UK ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee Baarlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi.
Xisbiga Shaqaalaha ayaa iyadoon wali la wadatirin oo ay codod yari harsan yihiin waxa uu ku guulaystay 410 Kursi oo ka mid 610ka Aqalku ka kooban ayhay.
Sir Keir Starmer ayaa noqonaya Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul aad u xoogan.
Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.
Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, waxayna doorashadaani ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.