Sawirro: Puntland & Galmudug oo ku guuleeystay in Ciidamo isku dhaf ah ay kala dhax dhigaan meleeshiyo beeleed colaadi ku dhexmartay Galbeedka Gobalka Mudug

07 July 2024 (Puntlandes.com) Dawladaha Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleeystay in Ciidamo isku dhaf ah ay kala dhax dhigaan meleeshiyo beeleed horey colaad ay ku dhexmartay Galbeedka Gobalka Mudug

Kulankaan aya waxaa goobjog ka ahaa wasiiro iyo xildhibanada Puntland, mumulka gobolka ee labada dhinac, maamulka degmada, saraakiisha ciidamada darawishta, madaxtooyada iyo ciidamada isku dhafka iyo masuliiyiin kale

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Maleeshiyo Beeleedkii ku dagaalamay deeganada Galbeedka Gobalka Mudug la kala geeyo Dagmooyinka Goldogob iyo Bandiiradleey sidoo kala labada Maamul Madax ka socata ay maalinta berri ah ay si wadajir ah kormeer ugu sameeyaan goobaha Maleeshiyaadka laga qaado si loo hubiyo dhaqan galka Kala qaadista Maleeshiyaadka

Marka la xaqiijiyo Dhaqanka heshiiska Hordhaca ah ee Xabad joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka kadib in loo gudbo dhameystirka Heshiiska Shir balaarana oo looga wada hadlayo xal gaarista sababaha soo celceliya Colaada iyo Dirirta uu ka furmo Magaalada Galkacyo maalinimada isniinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL Maxamed Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay heshiiska la gaaray.

About The Author