Xil C C/shakur “Waxaa banaan in la helo, Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago…”
08 July 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu ku soo bandhigay sadex qood oo looga falcen karo barakicta shacabka Danyarta ah ee guryahoodii laga barakiciyey si uu madaxweynuhu u iibsado, qaarna ugu laaluusho xildhibaanada.
Hoos ka akhriso qoraalka:
Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo fagaay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen. Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, siyaasiyiin iyo Xildhibaanno lagu laalushay,
Ma jiro xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha. Ma jiro garsoor madaxbannaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweyanah, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda. Waxaa dhulka laga iibiya, la siiyaa ama laga kireeyaa ciddii Madaxweynaha la shirko ah, taageersan, ama qaraabo la ah.
Waxaa banaan in la helo;
1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago
2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida.
3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey.