Deegaanka Caleen oo katirsan gobalka Qoraxeey ee DDS oo 2 baabuur oo ah kuwa xamuulka ku sugan yihiin
17 July 2024 (Puntlandes.com) Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Caleen oo katirsan gobalka Qoraxeey ee Ismaamulka Soomaali Galbeed, 2 baabuur oo ah kuwa xamuulka ayna waardiyeynayaan gaadiid dagaal ayaa taagan, iyadoo cidna aqoonin wax ay sidaan gaadiidkan.
Deegaankan, Caleen ayaa 70KM u jirta xaduuda ku aadan gobalka Galguduud, sidaas oo kale masaafo siman ayay u jirtaa Shiilaabo iyo Caabudwaaq.
Majirto faahfaahin dheeraad ah, oo la xariira gaadiidkan oo ilaa xalay ay warar kale gedisan kasoo baxayaan, war ayaa sheegaya in dhinaca Galguduud iyo Hiiraan xadkooda kuwajahan yihiin.
Mas´uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Baabuurtii Hub waday ahaayeen 4 baabuur, iyadoo labo ka mid ah ay shacabka magaalada Caabudwaaq la wareegeen.